Friday, March 14, 2025

Soomaaliya oo sheegtay in Mareykanka duqeymo ka fuliyay Calmiskaad

By Sayyid Omar

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay duqeymo cirka ah oo ay Mareykanka ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, duqeymaha ayaa dhacay fiidnimadii 21-ka Febraayo iyo shalay oo ahayd 22-ka Febraayo, iyadoo lagu dilay saddex ka tirsan Daacish, ma na jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

“Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxana lagu tageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish.” Ayaa algu yiri war saxaafadeedka.

Puntland ayaa hore u sheegtay in ciidamada Mareykanka ay 21-kii bishaan duqeymo ka fuliyeen aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka Puntlanbd ayaa lagu yiri, “Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhigyo muhiim ah oo ay lahayd kooxda argagixisada ah ee Daacish, ayna ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagixisada.”

Sidoo kale, weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, sida sida ay sheegeen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

“Caawa (21-ka Febraayo) abaare 09:00pm, saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka, waxay duqeyn ka fuliyeen buuralayda Calmiskaad, iyadoo la bartilmaamsaday xubno ka mid ah Argagixisada Daaciish” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland.

Dowladda Mareykanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo Mareykanka ay kamid tahay dowladaha waawayn ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Puntland ee kooxda Daacish, si looga saaro buuraleyda Puntland. Horaantii bishan, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn uu ka geystay Buuraleyda Calmiskaad lagu dilay sarkaal sare oo ajaanib ah, kaas oo kooxda u qaabilsanaa howlaha muhiimka ah.

Puntland ayaa dagaal xooggan kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish. Tan iyo dhammaadkii bishii December, Puntland ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Daacish, gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here