“Sida kuwa nala dhashay oo madaxdeenii hore ah aan iskaga celinayno ayaan ajnabigana iskaga celinaynaa haddii uu afka nala soo galo,” waa luqad adag uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi kula hadlay rag uu ku sheegay in ay Xalane joogaan, mushaar u soo doontay Muqdisho, beenna ka faafiya Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Muqdisho oo lagu taageerayey dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee dowladda Soomaaliya, kaas oo ay qabsanayeen qaar ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliya.
Intaas uguma uusan harin, Fiqi waxa uu xalay warbaahinta dowladda ka sheegay in ku simaha Madaxa AUSSOM Sivuyile Bam uu yahay qof taageero u ah kooxda Alshabaab, isagoo intaas ku daray in ninkaasi uu ka xunyahay horumarka Soomaaliya, tallaabana ay ka qaadi doonto dowladda.
Soomaaliya ayaa ku eedeysay Ku simaha Madaxa AUSSOM in uu uu qayb ka yahay koox ku sugan Xalane oo faafinaya warar khaldan oo ay ka mid yihiin in Alshabaab ay isbeddel ku sameeyeen dabeecaddooda, ayna hadda u dhaqmayaan sidii dowladda oo kale, iyaga oo aan wax dil ah geysanayn, taas uu ku tilmamay wasiirka waxba kama jiraan.
“Waxaan ognahay rag Xalane noo jooga oo mushaar u soo doontay Soomalaiya oo iyagana faafiya been oo uu ka mid yahay Ku Simaha Madaxa AUSSOM, Dowladda Soomaaliya waxay ka qaadi doontaa tallaabo,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in shalay oo u dambeysay uu Ku Simaha warbixintaas u gudbiyey Qaramada Midoobay.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in haddii Mr. Bam uu sii wado faafinta warar been abuurka ah, in dowladda Soomaaliya ay tallaabo ka qaadi doonto oo aan loo aamusi doonin.
Hadalka Wasiir Fiqi ayaa daba socda ka dib markii Mr. Bam uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay warqad ku taariikheysan 9 April 2025 uu ku sheegay in awoodda kooxda Alshabaab ay sii kordhayso, weerarada ay qaadaan ciidanka dowladdana ay la kulmayaan iska caabin ka dhan ah Alshabaab, sidoo kalena kooxda ay fulinayaan weeraro adag oo isku dhafan, ayagoo samaynaya bartilmaameedyo kala duwan.
Eedda uu jeediyey Wasiir Fiqi ku saabsan Ku Simaha Madaxa AUSSOM, marka laga soo tago, Fiqi ayaa qiray in ay jiraan dowlado taageeraya halganka socda oo garab u ah Soomaaliya, kuwaas oo taakuleya diyaaradaha iyo ciidamada, isagoona bogaadiyay dowladahan garab siinaya Soomaaliya.