Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya: In ka badan 20 mas’uul oo Dooxa ku wajahan (Xog)

Muqdisho (Dawan)- Wafti uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgalaya shirka qurba joogta Soomaalida ee 22-ka bisha July ka furmaya magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Waftiga dowladda Soomaaliya ee rasmiga ah ayaa ka kooban 16 mas’uul; wasiirrada waxbarasahda, arrimaha dibadda iyo 13 howl wadeen oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan ayaa la qorsheeyay inay 21-ka bishan u dhoofaan Dooxa, taas oo ka dhigeysa tiradii ugu badeyd ee wafti hal xafiis ka socda ay dalka dibaddiisa ku aadaan.

Dawan TV ayaa helay liiska magacyada waftiga ee loo gudbiyay dowladda Qatar, balse safaaradda Qatar ee Muqdisho iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha midna ma xaqiijin mana dafirin.

Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin kale oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ahna u qeybsanaha arrimaha ururka Bulshada Afrika Cali Cumar (Cali Balcad) oo shirka qeyb ka ah taas oo ka dhigeysa markii labaad ee wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru-dowlaha ay hal shir oo dibadda ah ka wada qeyb galaan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirrada ku jira waftigiisa ayaa siyaasad ahaan aad ugu dhow dowladda Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here