Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Algeria oo ballaarinaya iskaashiga laba geesoodka ah

Jeddah (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ku sugan magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Algeria, Axmed Caddaaf.

Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay labada dal inay xoojiyaan iskaashigooda istiraatijiyadeed, isla markaana ay sahmiyaan qorshaha looga mira dhalin karo himilooyinka labada shacab laguna gaarsiin karo horumar iyo barwaaqo.

wadahadalka labada wasiir

Wasiir Fiqi ayaa shalay ka qaybgalay shir aan caadi ahayn oo Ururka Iskaashiga Islaamka uu ku yeeshay magaalada Jeddah, ee dalka Sacuudi Carabiya, kaas oo ku saabsanaa sidii loo joojin lahaa xadgudbyada ay Israel ka waddo dhulka Falastiin iyo dilkii Ismaaciil Haniyeh loogu gaystay magaalada Tehran ee dalka Iran todobaadki hore.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu cambaareeyay dilkii madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Falastiin Ismaaciil Haniyeh, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa dusha loo saaray Israel.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, in gumaadka Isarel ay ka waddo dhulka shacabka Falastiin uu halis ku yahay amniga iyo xasiloonida gobolka, wuxuuna ugu baaqay Golaha Ammaanka inuu qaato mas’uuliyaddiisa, si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga caalamiga ah.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza toban bilood ka hor, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac lagu qiyaasay in ka badan 131,000 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan carruur iyo haween. In ka badan 10,000 oo kalena waa la la’yahay, iyada oo ay Israel dhulka la sintay dhismihii marinka Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here