Wednesday, March 12, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiisyo dhowr ah.

Soohoyde

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa maanta kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan. Kulanka kadib, labada dal ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo dhanka amniga, waxbarashada, tamarta, iyo adeegyada dadweynaha ah.

Heshiisyada Muhiimka ah ee la kala saxiixday

  1. Iskaashiga Difaaca iyo Warshadaha Militariga
    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Zakir Hasanov, ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo ku saabsan iskaashi dhanka difaaca iyo horumarinta warshadaha militariga ee labada dal.
  2. Iskaashiga Waxbarashada
    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo iskaashiga waxbarashada, kaas oo sare u qaadaya iskaashiga wasaaradaha waxbarashada ee labada dal, deeqaha waxbarasho, iyo is-dhaafsiga ardayda.
  3. Tamarta Cagaaran
    Wasiirka Tamarta ee Azerbaijan iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca tamarta cagaaran, si kor loogu qaado horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo ee Soomaaliya.
  4. Adeegyada Dadweynaha
    Heshiis kale oo muhiim ah ayaa lagu saxiixay dhanka bixinta adeegyada dadweynaha, kaas oo xoojinaya horumarinta hay’adaha dowladeed iyo casriyeynta adeegyada bulshada ee Soomaaliya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Azerbaijan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Azerbaijan gaaray maalintii shalay, isagoo casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa Azerbaijan, Ilham Aliyev. Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Azerbaijan, taasoo muujineysa xoojinta xiriirka labada dal.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa si rasmi ah loo aasaasay 22-kii Maarso 2004. Tan iyo markaas, labada dal waxay yeesheen iskaashi siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyadoo Azerbaijan ay dadaal ku bixinayso horumarinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika.

Azerbaijan iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah, waxaana xulafada istiraatiijiga ah ee Azerbaijan kamida Turkiga, kaas oo sidoo kale xiriir dhow la leh Soomaaliya. Taasi waxay sii xoojinaysaa doorka Azerbaijan ee gobolka Geeska Afrika

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here