Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Ciraaq oo dhaqan gelinaya heshiis ay kala saxiixdeen 1971

Bagdaad (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa isla gartay in dib loo dhaqan geliyo heshiis ganacsi oo ay kala saxiixdeen sannadkii 1971, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Ciraaq oo ay baahisay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Tillabadaan ayaa timid kadib markii ay Wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha ee dalka Ciraaq ay la kulmeen Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga maalmahaan dalkaas.

” Kulanka intii uu socday waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi ee ka dhexeeya Ciraaq iyo Soomaaliya, gaar ahaan ganacsiga xoolaha nool iyo dardar gelinta heshiiskii dhaqaalaha iyo ganacsiga ee labada dal ay kala saxiixdeen 1971-kii” ayaa lagu yiri’ war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Ciraaq.

Wasiirka Ganacsiga Ciraaq, Atheer Daa’uud Al-Ghurairi ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la qabto shir u dhexeeya guddiga ganacsiga wadajirka ah ee Ciraaq iyo Soomaaliya, kaasoo aan shir yeelanin tan iyo 1974-kii, iyo in la dardargeliyo wax soo saarkii ay Ciraaq u dhoofin jirtay Soomaaliya sida timirta.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare, Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay aad u danaynayso xoojinta xiriirka dhaqaale ee kala dhexeeya dalka Ciraaq ee dhinacyada kala duwan leh, iyo in la abuuro fursado cusub oo iskaashi, si looga mira dhaliyo himilada labada shacab.

Gebagebadii kulanka waxaa la isla gartay in Wasiirada Ganacsiga iyo Beeraha oo ay wehliyaan ganacsato Ciraaq ah in ay booqasho ku yimaadaan Soomaaliya si loo xoojiyo xiriirka labada dal iyo horumarinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la kulmay inta badan mas’uuliyiinta dalka Ciraaq iyo hoggaamiyayaasha saamaynta ku dhex leh bulshada dalkas, isaga oo kala hadlay arrima badan oo ay ku jiraan amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay dalka uga saari leheed ururka Al-shabaab oo maamula dhul ballaaran, halka dowladdda Ciraaq ay ku dhawaaqday bishii December ee 2017, inay dalkeeda ka saartay ururka Daacish kadib dagaal qaatay saddex sano oo xariir ah, iyada oo si buuxda ula wareegatay dhammaan dhulka ay maamuli jireen sida xuduudda ay la wadaagto dalka Suuriya.

Dhawaan, Ra’iisul Wasaara ku xigeenkii hore ee dalka, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha Ciraaq, Cabdiladiif Jamaal Rashiid, waxeyna labada dal ballan qaadeen in sare loo qaadayo wadashaqaynta iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal oo xilligaan kasoo kabanaya burbur iyo dagaallo.

Xiriirka labada dal ayaa hoos u dhacay kadib burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, inkasta oo safaaradda Soomaaliya ee Bagdaad dib loo furay sannadkii 2015, xilligaas oo safiir looga dhigay Khadiija Maxamed Al Makhzoumi oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha la socda, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iiman Cige, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here