Cumaan (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Cumaan ayaa qalinka ku duugay heshiis is afgarad ah oo la xiriira dhoofinta xoolaha, badqabkooda iyo qorshayaasha lagula dagaallamayo cudurrada faafa .
Heshiiska waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed oo booqosho ku jooga saldanadda Cumaan iyo Wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha dalkaas, Sacuud Bin Xamuud Al Xabsi
“Kulanka intii uu socday waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhoofka Xoolaha, hilibka, kobcinta tayada caafimaadka Xoolaha iyo la dagaalanka cudurada faafa, is waydaarsiga khibradaha iyo xogaha la xiriira badqabka cuntada, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga” Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in heshiiska looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka dhoofinta Xoolaha nool iyo xoojinta xiriika ganacsi ee labada dal u dhaxeeya.