Friday, October 18, 2024

Soomaaliya iyo Ethiopia oo wadahadallo ku yeelanaya Turkiga

Ankara (Dawan)- Wadahadallo ku saabsan is afgaradkii badda ee Somaliland iyo Ethiopia ee xiisadda dhaliyay ayaa dalka Turkiga uga furmaya dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia.

Kulamada oo ah kuwii ugu horreeyay ee fool ka fool ah ayaa billaabanaya, sida qorshuhu yahay 1-da bisha 7-aad ee soo socota.

Dawan TV ayaa ogaaday in dhanka Soomaaliya ay matali doonaan la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macallin, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Fiqi iyo xubin ka socota madaxtooyada oo magaceeda lagu soo koobay Ruqiyo. Dhanka Ethiopia waxaa wadahadalka ku matali doono wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Taye Atske Selassie.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday heshiis ay Ethiopia ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintan ka hortimid, waxa uuna dhaliyay xiisad dublamaaaisayeed oo labada dalka ka dhex dhalatay, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Saameynta Turkiga ee Geeska Afrika

Dowladda Turkiga waxa ay Soomaaliya kula jirtaa heshiis la xiriira amniga iyo maalgashiga badda, dhanka kalana waxay xiriir ganacsi oo xooggan la leeday Ethiopia, iyadoo maalgashiga Turkiga ee Ethiopia uu gaaray 2.5Bilyan oo dollar, taas oo ka dhigeysa dalka labaad ee maalgashiga ugu badan Ethiopia ku sameysta.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa hore u muujiyay inuu diyaar u yahay fududeynta dadaallo lagu dhexdhexdinayo labada dowladood, si xal looga gaaro khilaafka soo kala dhex galay labada dhinac kadib heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Kaalinta Qatar

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Qatar ay si aan rasmi ahayn qeyb uga tahay wadahadalladan, taas oo rajo kale u abuureysa fursadda wadahadalka.

Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Xamad, ayaa si gooni gooni ah bartamihii bishaan June telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed 

Muddo 30 daqiiqo ah ayaa u dhexeysay xiriirka uu Amiirka Qatar la sameeyay Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed inkasta oo aan la shaacin in uu kala hadlay xiisadda ka dhex aloolsan labada dal.

Fashilka dadaalladii Jabuuti iyo Kenya

Dadaalo ay horay u sameeyeen dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa miro dhal noqon waayay, markii la isla dhaafi waayay shardiga dowaldda Soomaaliya ee ahaa in Ethiopia ka laabato Is afgaradka, si wadaxaajoodku kadib u furmo.

Ciidanka Ethiopia oo kamid ah howlgalka Ciidan Afrikaanka ah ee Soomaaliya jooga ayaa kaalin weyn ku leh sugitaanka ammaanka dhul ballaaran oo ku teedsan xadka labada dal, khilaafka ayaa la aaminsan yahay inuu wiiqayo firfircoonida ciidanka Ethiopia ee gudaha Soomaaliya, taas oo kor u qaadeysa fursadda ururka Al-shabaab ay iskugu ballaarin karaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here