Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Ingiriiska oo kawada hadlay isbedelka cimilada

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al Makhzoumi, ayaa kulan la qaadatay Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, ee UK, Chris Pycroft. Waxayna kawada hadleen arrimaha cimilada, horumarka laga gaaray hawl-galka helitaanka Maaliyadda Cimilada, iyo qorshayaasha COP29.

Wasiir Khadiija ayaa bogaadisay taageerada UK ee Soomaaliya iyo sida ay qayb qaadatay ku biiristii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujineysa xiriirka iyo wada shaqaynta labada dal.

“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, Chris Pycroft. Waxaan ka wada hadalnay ujeedooyinka dhanka cimilada ah ee aan wadaagno , horumarka laga sameeyay hawl-galka Helitaanka Maaliyadda Cimilada, iyo qorshayaasha COP29” ayay barteeda X kusoo qortay Wasiir Khadiija.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay, in wadashaqaynta labada dal ay wax wayn ka bedeli karto la dagaalanka loogu jiro isbedelka cimilada.

Dhankiisa Agaasimaha Horumarinta ee FCDO, Chris Pycroft, ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaa wadashaqaynta kala dhaxeya Soomaaliya ee dhanka cimilada oo ay ka mid tahay maalgelinta Sanduuqa Cimilada Qaranka oo ay taageeraan dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne kusoo saaray dhisidda Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here