Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya iyo Jarmalka oo kawada hadlay kor u qaaddida iskaashigooda

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xarunta Wasaaradda wafdi ka socday Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo kuwa ku yaalla saaxil, Danjire Christoph Retzlaff.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursado cusub oo iskaashi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

Qoraalka Wasaaradda, waxaa lagu yiri; ” Intii wadahadalka lagu gudo-jiray , waxaa labada dhinac ay aad iskula eegeen qoto-dheeraynta iskaashiga, waxyaabaha nacfi wadaagga ah iyo u howlgelidda xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo iskaashiga muddada fog iyo hiigsiga horumarineed”

Wafdiga Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin kale oo dowladeed oo ay ugu horrayso Danjire Regine Hess, Madaxa Xafiiska Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, Danjire Sebastian Groth, Safiirka Jarmalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Martin Stein, Safiir kuxigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here