Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixan raba heshiis dhanka Kalluumeysiga ah

Nairobi (Dawan)- Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday inuu heer gabogabo ah marayo heshiis is-afgarad ah oo dhanka Kalluumeysiga ah, kaas oo ay kala saxiixan doonaan dhawan Soomaaliya iyo Kenya.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu kulan la qaatay Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga iyo Macdanta ee Kenya Xasan Cali Joho.

Safiir Jibriil ayaa yiri; “Haddii aan mideyno awoodeena waxaan abuuri karnaa fursado badan oo bulshadeena faa’iidooyin u leh”

Dowladaha Somaaliya iyo Kenya ayaa qorsheynaya inay hormariyaan xiriirkooda iskaashiga dhinacayda Dhaqaalaha Buluugga ah, Kalluumeysiga, iyo Macdanta

Labada dowladood oo xubin ka ah Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa doonaya inay xiriirkooda derisnomo uga faa’iideystaan kor u qaadida iskashiga dhanka dhaqaalaha oo dan u ah shucuubta labada dal iyo gobolka.

Wasiirka Dhaqaalaha Buluugga iyo Macdanta ee Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la isweydaarsado fikradaha iyo waaya-aragnimada Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee gobolka si looga faa’ideysto awoodda dowladaha kale.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah , iyaga oo iska kaashada dhinacyo badan oo muhiimka ah, gaar ahaan amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalintu ka joogaan Soomaaliya , waxayna si firfircoon uga qayb qaadata dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here