Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinya iskaashiga labada dal

Nairobi (Dawan)- Maanta oo Isniin ah, waxaa lagu wadaa in magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya kaas oo billaawday 3-di bishaan May.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay warbixin kooban oo kasoo baxday xafiiskiisa.

Booqashada Xamsa ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo shirka Guddiga Wadajirka ee ka socday maalmihii lasoo dhaafay Nairobi.

Kulmada Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeybood oo kala ah mid heer farsamo ah oo dhacay 3-dii ilaa 5-tii bishan iyo mid heer wasiir ah oo dhacaya maanta oo ku beegan 6-da May.

Labada dhinac ayaa diiradda saaraya iskaashiga arrimaha ganacsiga, amniga, dalxiiska caafimaadka, waxbraashada, beeraha iyo dhaqaalaha buluugga.

Labada dowladood ma sheegin in arrimaha laga hadlaayo ay ka mid tahay dib u furista xudduudka ay wadaagaan, in kasta oo Kenya ay sheegtay bishii hore in aysan qorshaha ugu jirin in hadda qaadato go’aan lagu furayo xudduudka dhanka dhulka ah.

in ka badan sagaal bilood ayaa la jooga xilligii ay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki, iyo Wasiirka amniga Soomaaliya ee xilligaas, Maxamed Axmed Sheekh Cali ay ku dhawaaqeen inay doonayaan in dib loo furo xadka ka dib wada tashiyo heer sare ah oo ka dhacay Nairobi, si loosoo afjaro 12 sano oo xannibaad ah oo soo billaabatay 2011.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here