Tuesday, October 1, 2024

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday $68.5 Milyan oo lagu xoojinayo Deeqda Horumarineed

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho
Dowladda Mareykanka kula saxiixday Heshiis Deeq Horumarineed oo taariikhi ah oo gaaraya
$68.5 milyan oo doolar. Waxaa heshiiska saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo
Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-Beene),
Wasiirka Maaliyadda H.E. Biixi Iman Egeh, iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya Catie Lott.

Heshiiska wuxuu xoogga saarayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyadoo loo marayo iskaashi istiraatiiji ah.

Heshiiska ayaa wax ka qaban doona dhinacyada muhiimka ah sida kobaca dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, taageeridda aragtida fog ee Soomaaliya ee adkeysiga.

“Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo ku qotoma hadafka aan wadaagno ee ah xaqiijinta Soomaaliya oo adkeysi badan, barwaaqo ah, oo loo dhan yahay,” ayuu Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Breene-Beene) ka sheegay xafladda.

“Taageeradan waxaan ku xoojin doonaa qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, maamulka, iyo horumarinta dhaqaalaha si loo hubiyo in dadkeena, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, ay helaan agabka iyo fursadaha ay ku horumari karaan.”

Qoondaynta maanta ee $68.5 milyan ee deeqda horumarineed ee Mareykanka ayaa ballaarin
doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah ee la Dardargeliyay, iyadoo ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed, dib u dayactirka in ka badan 200 oo fasal, taas oo siineysa fursad waxbarasho ay helaan 10,000 oo arday oo dheeraad ah sanadkii.

Waxaa kale oo ay deeqdani kor u qaadi doontaa awoodda dawladnimo, ka-qaybgalka bulshada, iyo abuurista fursado dhaqaale ee ay haweenka iyo dhalinyarada helaan.

“Heshiiska deeqdani wuxuu ka turjumayaa muhiimadda iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya:dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, iyo awood siinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka, iyo dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayay tiri madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott, oo ka hadashay xafladda.

Heshiiskani wuxuu xoojinayaa ku dhawaad 18 sano oo kaalmo dibadeed uu Maraykanku siinayay Soomaaliya taas oo sii kordhinaysa saamaynta ay deeqdani ku leedahay dawladnimada, waxbarashada, iyo adkaysiga dhaqaalaha.

Heshiiska ayaa ujeedadiisu tahay in la abuuro xasillooni iyo horumar mustaqbalka fog oo ay helaan bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka dalka oo dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here