Saturday, September 7, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo digniin dadban u diray Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar, sida ay Villa Somalia sheegay

“Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay madaxtooayda Soomaaliya.

Dhanka kale, Af-hayeenka Madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Al-siisi uu carrabka ku adkeeyay sida ay Masar ugu heelantahay amniga, xasilloonida, madaxbannaanida iyo midnimiada dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo ka taageeri doonta caqabadaha kala duwan ee ku hor gudban amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in labada madaxweyne ay isla soo qaadeen xasiloonida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo saamayn ku leh deganaanshaha Geeska Afrika, waxeyna diideen tillaabo kasta oo haldhinac ah taas oo wax u dhimi karta xasiloonida gobolka,

Intii lawada hadalyay ayuu Madaweynaha Masar ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa kusoo beegmaya iyada oo dhawaan uu soo gabagaboobay wajiga kowaad ee wada xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo kusoo dhamaday natiijo la’aan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Masar sii maray markuu usii socday wadahadallada Ankara, waxeyna Soomaaliya soo jeedisay in dowladaha dhexdhexaadka noqonaya lagu soo daro Masar, taas oo muujineysa xiriirka xoogaan ee labada dal.

Masar ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay ee garab istaag u muujisa Soomaaliya kadib markii ay Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeyay waayadii u dambeysay xurguf iyo khilaaf dhanka biya Wabiga Nile kadib markii ay Itoobiya go’aansatay in ay sameysato Biyo-Xireen laga dhaliyo korontada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here