Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay ballaarinta iskaashigooda

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada Qaahira kulan labo geesood ah kula qaatay dhiggiisa Masar, Badr Cabdicaadi waxayna ka wada hadleen sidii loo sii ballaarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacayda kala duwan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen in la howlgeliyo guddiga wasiirada isku dhafka ah ee labada dal, iyada oo Soomaaliya laga taageerayo dhinacyada tababarka diblomaasiyiinta, si loo daboolo baahida ay ka qabto dhankaas.

Waxa kale oo la isla soo qaaday xoojinta xiriirka ganacsi iyo abaabulka golayaasha ganacsiga si kor loogu qaado fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada labada dal.

Wax soo saarka Masar ee dhanka dawooyinka oo qiimo jaban lagu keenayo Soomaaliya, ballaarinta deeqaha waxbarasaho ee la siiyo ardayda Soomaalida iyo inay Soomaaliya u dhoofiso xoolaha nool dalka Masar ayaa ka mid ah qodobada la isla meeldhigay.

Wasiir Fiqi ayaa ka mahadceliay go’aankii ay Masar ku furatay safaaraddeeda Muqdisho iyo diyaar garowga loogu jiro in Bangiga Masar laga furo dhawaan Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, ayaa si buuxda u sheegay in dalkiisu garab taaganyahay had iyo jeer midnimada Soomaaliya iyo madaxbanaanida dhulkeeda, isagoo muujiyay sida Masar ay diyaarka ugu tahay inay ka qayb qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqasho ku jooga dalka Masar, iyada oo labada dal ay shalay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here