Saturday, September 7, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo kawada hadlay soo banbixinta fursadaha cusub

Qaahira (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Sida ay sheegtay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Kulanka ayaa diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, iyo caafimaadka, waxaa kale oo la isla eegay furidda khad duulimaad toos ah oo labada dal dhexmara bisha Luulyo ee soo aaddan iyo in Soomaaliya laga furo laanta Bankiga Masar.

Labada Wasiir ayaa sidoo kale isla faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Soomaaliya ayaa la leh Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah.

hirkadda diyaaradaha ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqday in kordhisay duulimaadyadeeda ay ku tagto magaalooyinka qaaradda Afrika, iyada oo soo kordhisay duulimaadyo ay ku tegi doono bisha soo socota ee July magaalooyiinka kala ah Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, Abidjan oo ah caasimadda Ivory Coast, iyo sidoo kale Jabuuti.

Diyaaradda ayaa billaabi doonta duulimaadyadeeda Soomaaliya oo ah isbuuci laba jeer 11-ka bisha July, wuxuuna noqon doona Qaahira, Jabuuti, Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista dalka Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here