Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo isla gartay in la dejiyo xiisadda gobolka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa ka wadahadlay xiisadda Gesska Afrika gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo laga cabsi qabo inuu u xuub siibto dagaal saamayn ku yeesha guud ahaan gobolka.

Labada dhinac waxay isla qireen muhiimadda ay leedahay in la qaboojiyo xiisadda, ilaalinta xasiloonida gobolka iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii ay kuwada xiriireen qadka telefoonka.

Labada hoggaamiye waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee horumarinta xasilloonida gobolka, nabadda, iyo barwaaqada, sida ay sheegtay Villa Somalia.

“Waxaan isla garanay baahida loo qabo in laga fogaado xiisadaha gobolka iyadoo lala dagaallamayo argagixisada lana ilaalinayo midnimada Soomaaliya, madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed” sidaas waxaa barta X kusoo qoray Josep Borrell,

Josep Borrell waxa uu intaas ku daray sida ay uga go’antahay Midowga Yurub in lasii joogteeyo taageerada Soomaaliya gaar ahaan xilligaan kala guurka ah.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo iskaashiga ku aaddan la-dagaalanka argagixisada.

Wadahadalkan dhanka taleefanka ah ayaa imaanaya xilli xiisadda gobolka, gaar ahaan tan u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ay cirka isku sii shareertay tan iyo markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay Somaliland kaas oo ay Soomaaliya u aragto mid ku xadgudbeya madax-bannaanideeda.

Mas’uuliyiin meteleysay labada dal ayaa Ankara ku kulmay laba jeer si ay xal uga gaaraan khilaafaadka balse waa lagu guul darreysatay, waxaana bishaan loo ballansanyahay wareeg seddexaad oo Turkigu ka yahay garwadeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here