Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya iyo Q/Midoobay oo kawada hadlay ka hortagga askareynta carruurta

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kala hadlay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid sidii looga hortegi lahaa tacaddiyadda ka dhanka ah carruurta iyo in loo adeegsado ciidanimo.

” Waxaan ka wada hadalney muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara”. ayuu Wasiirku kusoo qoray bartiisa X.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta.

Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo loosoo gaabiyo UNSOM ayaa gacan ka geysta dhowrista xaquuqda aadanaha , taageeridda kaalinta haweenka, ilaalinta xaquuqda carruurta, adkeynta hay’adaha Garsoorka iyo ka hortagga qalalaasaha horseeda kufsiga iyo tacaddiyada jinsiga ku salleysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here