Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya iyo QM oo kala hadlay hindisayaasha iskaashiga

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa qaabilay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway.

Wasiirka iyo Kuxigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay sare u qaadida iskaashiga, isuduwidda, iyo dadaalka wadajirka ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in kulanka sidoo kale lagu qaadaa-dhigay dadaalka dheeraadka ah ee Guddiyada farsamo ee labada dhinac iyo samaynta istiraatiijiyad dhammaystiran oo hagaysa qorshaha kala guurka ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) si loo unko xafiis Qaramada Midoonay ay ku yeelato dalka oo la mid ah kan ka dhisan dalalka kale.

Guddiyada ka wada hadlaya arrintan ayaa looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan wadahadal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Guddiga farsamo ee arrintan loo xilsaaray waxaa hoggaaminaya Danjire Yusuf Garaad Cumar iyo George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, waxaana ku jira mas’uuliyiin kale oo ka kala socda labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here