Wednesday, October 23, 2024

Soomaaliya iyo QM oo kawada hadlay ATMIS iyo Howlgalka cusub ee AUSSOM

Muqdisho (Dawan)- Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Hawlgalada, Atul Khare, ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda ATMIS iyo UNSOS si loo xoojiyo qorshaha kala-guurka ATMIS.

Atul Khare ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada, waxaana soo dhaweeyay Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Aisa Kirabo Kacyira, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadow

Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Khare wuxuu la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine, iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan ATMIS iyo UNSOS, oo ay ku jiraan Ku-xigeenka Wakiilka SRCC, Sivuyile Bam, iyo Taliyaha Guud ee ATMIS, Gen. Sam Kavuma.

Kulankan ayaa looga hadlay qorshaha kala-guurka ATMIS iyo sidii mas’uuliyadda amniga loogu wareejin lahaa Ciidamada Amniga Soomaaliyeed (SSF). Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo lagu wado inuu bedelo ATMIS sanadka 2025.

Booqashada Atul Khare waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhisidda Nabadda ay iyaduna booqasho ku Timid Muqdisho. Waxay la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay guulaha iyo caqabadaha ku hor gudban kala-guurka ATIMS, gaar ahaan doorka Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Sidoo kale waxay kulamo la qaadatay Wakiilka Gaarka ah ee ATMIS, iyagoo ka wada xaajooday baahida loo qabo maalgelin joogto ah oo lagu taageero howlgalka cusub ee AUSSOM iyo sidii loo xoojin lahaa amniga Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here