Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya iyo Ruushka oo kawada hadlay dagaalka ka dhanka ah AS

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya, Mikhail Golovanov.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan kooxda Al-Shabaaab iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada, sida ay Villa Somalia sheegtay.

“Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa intaas raacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Labada dowladood waxaa ka dhaxeey jiray xiriir adag oo dhinacyo badan leh, waxaana lagu tirin jiray in Midowgii Soofiyeeti uu ahaa dalka ugu saameynta weyn dhismaha ciidanka Soomaaliya, inkasta oo xiriirkaas go’ay kadib dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii ugu dambeysay waxaa soo baxayay muuqaal ka duwan kii hore oo ku saabsan dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo ay dhaceen kulamo dhex maray mas’uuliyiinta labda dal kuwaas oo lagu gorfeeyay soo celinta iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood kadib shan iyo afartan sano.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Ruushku aysan safaarad ku lahayn Muqdisho, waxaana arrimaha Soomaaliya uga wakiil ah safiirka u fadhiya Jabuuti, taas oo loo arki karo in wali xiriirka labada dal uusan ahayn mid toos ah oo xooggan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here