Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis amni

Riyaad (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kala saxiixday heshiis dhanka iskaashiga amniga, kaas oo kor loogu sii qaadayo wada shaqeyntii labada dowladood ee dhanka laamaha amniga.

Heshiiska dhanka Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda , Abshir Cumar Jaamac halka uu dhanka Sacuudiga u saxiixay Wasiir ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Naasir bin Cabdicasiis.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) iyo taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa dhawaan booqday dalka Sacuudi Carabiya, waxeyna mas’uuliyiinta Amniga dalkaas kala hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah, iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo dardargelinta dib u dhiska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dowladda Sacuudigu kaalin ka qaadaneyso.

Maalmahaan waxaa Sacuudiga ku sugan wafdi balaaran uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb gelay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Africa iyo Shirka dalalka Islaamka iyo Carabta oo labadaba lagu qabtay caasimadda Sacuudiga.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale kulamo duceedyo la qaatay madaxda dhowr dal oo Soomaaliya la leh xiriir wanaagsan, waxaana ka mid ah madaxda Jabuuti, Itoobiya, Eretria, Ciraaq iyo qaar kale.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale shir gaar ah la qaatay Wasiirka Maalgashiga Sacuudi Carabiya, waxaana laga wada xaajooday sidii Sacuudigu kaalin weyn uga qaadan lahaa maalgashiga Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan

Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, waxaana dowladda Sacuudiga lagu xasuustaa kaalintii ay ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo wax ka qabashada arrimaha bini aadantinimada iyo Waxbarashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here