Monday, September 16, 2024

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay iskaashiga ganacsiga iyo amniga

Maka Al-Mukaramah (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Al-Safaa ee magaalada Maka Al-Mukaramah kula kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan.

Madaxweynaha iyo dhaxal sugaha ayaa isla soo qaaday baahida loo qabo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta dhinacyada ganacsiga, amniga iyo ka hor tagga isbedelka cimilada.

“Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Villa Somalia ayaa intaas raacisay, in Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tilmaamtay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa dhanka Soomaaliya, Wasiirrada Gaashaandhigga, ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ganacsiga, Maaliyadda, Kalluumyesiga, La-taliyaha Madaxweynaha Daahir Maxamuud Geelle iyo safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga.

Dhanka Sacuudiga, waxaa kulanka joogay, Wasiirka arrimaha dibadda, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka ilaalada qaranka, la taliyaha amniga, wasiirka maaliyadda, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo safiirka Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here