Saturday, October 26, 2024

Soomaaliya iyo Turkiga oo galay heshiis cusub oo la xiriira shidaalka

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga Alp Arslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay heshiis cusub oo ay kala saxiixdeen Shirkadda Shidaalka ee Turkiga ee “TPAO” iyo Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, kaasi oo ku saabsan sahminta Shidaalka iyo Gaaska laga sameyn doono dhulka Soomaaliya

Sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka ee Anadolu oo soo xiganeysa wasiirka.

Arrintan ayaa kusoo beegnatay xilli uu maanta wasiirku uga qaybgalay Muqdisho xaflad soo dhawayn ah oo loo sameeyay markabka baarista shidaalka ee Oruç Reis  ee kusoo xirtay dekadda Muqdisho.

Dhanka Soomaaliya kama soo bixin wax war ah oo ku saabsan heshiiska cusub ilaa iya hadda (21:40) xiliiga Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen laba dhinac, isaga oo tilmaamay in heshiisku dhigayo in shidaal baaris ah laga sameyn doono gayiga Soomaaliyeed.

Wasiir Bayraktar ayaa ku nuux nuuxsaday in Tamartu ka mid tahay dhinacyada ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dal , isla markaana Turkiga uu u arko Soomaaliya mid ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Qaaradda Afrika.

Soo gaaridda markabka Oruç Reis ee Soomaaliya ayuu ku micneeyay inay ka dhigan tahay isbedel dhanka iskaashiga ah.

Wasiirku waxa uu xusay in Turkigu garab u ahaa shacabka Soomaaliyeed tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011-kii.

Waxa uu intaas raaciyay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bixisay taageerada dhammaan hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Soomaaliya, si ay u fuliyaan mashaariic lagu xoojinayo qaranimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here