Saturday, November 23, 2024

Soomaaliya iyo Turkiga oo galay heshiis cusub oo lagu hormarinayo ciidamada

Ankara (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo horumarinta Ciidmada xooga Soomaaliya.

Saxiixa heshiisakan cusub ayaa yimid kadib markii uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, kula kulmay Istanbul dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler.

“Waxaan wada sixiixaney heshiis iskaashi maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca iyo horumarinta CXDS” sidaas waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray wasiir Cabduqaadir.

Wasiirka ayaa intaas ku daray, in sida uu dhigayo heshiiskan ay dowlada Türkiga bixin doonto dhaqaale loogu talagalay mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah tayeynta Ciidamada xooga, sida Qalabeyn, Tababar iyo maalgelinta kaabayaasha lagama maarmaan u ah kor u qaadista tayada Ciidanka Soomaaliya.

Heshiiskan waxa uu kusoo aadaya maalmo kadib markii uu dekadda Muqdisho kusoo xirtay  markabka baarista shidaalka ee Oruç Reis kaas oo billaabi doona howlaha baarista iyo qodista shidaalka ku jira xeebaha Soomaaliya.

Inta laga warqabo waa heshiiskii shanaad ee ay wada galaan labada dal muddo ka yar sanad, iyaga oo horay u kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga difaaca, garsoorka, shidaal qodista iyo sirdoonka.

Turkiga oo saaxiib dhow la ahaa Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay , waxa uu ka taageeray dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadamnimo oo ballaaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here