Nairobi, Kenya – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku yeeshay shir labo geesoood ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga iyo maareynta xuduudaha labada dal. Shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Danjire Jabril Ibrahim Abdulle, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, Sareeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Kulanka ayaa lasheegay in diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo quseeya xoojinta amniga labada dal, gaar ahaan nabadgelyada iyo fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wasiirka Amniga Soomaaliya, Fartaag, ayaa sheegay in kulankooda uu si gaar ah xooga u saaray:
- Xoojinta iyo iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.
- Fududeynta iyo furista xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
- Kor u qaadista tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya.
- Iskaashi dheeraad ah oo laga yeesho dhanka socdaalka iyo arrimaha la xiriira.
“Xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Kenya waa mid muhiim ah, waxaana muhiim ah in aan si joogto ah u wada shaqeyno si aan uga hortagno khataraha gobolka, gaar ahaan argagixisada iyo kooxaha xagjirka ah,” sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, Kenya.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ciidamada Kenya ay ku leeyihiin hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Shirkan wuxuu daba socday heshiis is-afgarad oo ay labada dal ku gaareen bishii May 2023, kaasoo loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga amni iyo in la maareeyo xuduudaha labada dal si loo hubiyo ammaanka iyo xasiloonida gobolka.