Friday, October 18, 2024

Soomaaliya oo $2 milyan ku maalgelinaysa dib u soo nooleynta Abuurka dalka

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in US$2 milyan oo doolar loo qoondeeyay in lagu maalgelioyo Hindisaha Soo-kabashada Nidaamyada  abuurka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo faahfaahin ka bixinaya hirgelinta barnaamijkaan aaya u qornaa sida soo socota.

Si loo dhiirrageliyo beeralayda, loona horumariyo helitaanka cunto ee dalka, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay u qoondeysay US$2 milyan oo doolar si loogu maalgeliyo Hindisaha Soo-kabashada Nidaamyada  abuurka ee Soomaaliya (SSSRI).

Dawladdu waxay qaadaysaa tillaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka abuur bixinta  ee qaranka iyo ka caawinta beeralayda in ay la qabsadaan saameynta isbeddelka cimilada.

Barnaamijka SSSRI oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, waaxa uu socon doona muddo labo sano ah, ayada oo loo marayo Mashruuca Ka Soo kabashada dhibaatooyinka Soomaaliya (SCRP), waxaana maalgelinaya Bangiga Adduunka. Hindisahaan ayaa looga golleeyahay in lagu horumariyo wax-soo-saarka iyo qeybinta abuur waari kara, iyada oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, kooxaha ka shaqeeya nidaamyada abuurka, shirkadaha gaarka loo leeyahay, shirkadaha abuur ee Soomaalida, iyo beeralayda dalka oo dhan.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad Cabdirisaaq oo kulanka daadihinayay ayaa yiri,“Mashruuca  SSSRI waxa uu muujinayaa ahmiyadda ay noo leedahay a in aan abuurno iskaashi abuur oo u dhexeeya qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa guud gaarka loo leeyahay­_ public-private seed sector partnerships-  taas oo kor u qaadeysa nolosha dadka reer miyiga ah sannadaha soo socda.”

 Shan shirkadood oo hormuud ka ah abuurka dalka ayaa loo doortay in ay helaan tababaro iyo deeqo lagu ballaarinayo waxsoosaarka iyo suuqgeynta noocyada abuur ee abaarta u adkeysan kara.

Saynisyahannada Wasaaradda Waraabka iyo Beeraha Soomaaliya ayaa sameyn doona hawlo cilmi-baaris oo lagu baarayo dalagga, ayaga oo taageero ka helaya SCRP.

Tijaabinta noocyo cusub oo wax-soo-saar badan oo haruur ah, digir iyo dalagyo kale oo cunto ah ayaa bixin doona aragtiyo qiimo leh oo lagu qaabeynayo siyaasadda abuurka ee qaranka. Sidoo kale, mashruuca  SCRP waxa uu maalgelin doonaa isbahaysiga khubarada dalagga ee Wasaaradda Waraabka iyo Beeraha Soomaaliya, taas oo u oggolaanaysa in ay sare u qaadaan waxbarashadooda taranta dhirta iyo horumarinta hababka abuurka.

Hindisaha Soo-kabashada Nidaamka Abuurka ee uu fulinayo Mashruuca Soo-kabashada musiibooyinka Soomaaliya ee uu maalgeliyo Bangiga Adduunka waxa uu bartilmaameedsanayaa aag muhiim ah oo lagu xoojinayo adkeysiga bulshooyinka miyiga ku nool.

Dib-u-soo-nooleynta heerarka abuurka gudaha waxa ay xoojin doontaa awoodda wax-soo-saar ee cunto ee sanadaha soo socda.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, waxaan ballan qaadayaa in aan taageero buuxda siin doono si aan u xaqiijino in si hufan loo hirgeliyo dhaqaalaha loo qoondeeyey in hawsha lagu qabto. Mashaariicda sidaan oo kale ah ee awoodda siinaya beeralayda waa maalgashi lagu sameeyo horumarka mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha caalamka in ay u midoobaan sidii ay dadkeennu u heli lahaayeen cunto la isku halleyn karo” ayuu yiri, Suleymaan Sheekh Cumar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.

Marka uu dhammaado mashruucu, in ka badan 100,000 qoys oo beeralay ah ayaa dhulkooda ku tijaabin doona noocyo cusub oo  abuur ah. Waxa la filayaa in qaar badan oo ka mid ah beeralaydaasi ay  ku qanci doonaan faa’iidooyinka noocyada abuurka cusub si ay mustaqbalka tiro badan uga iibsadaan shirkadaha abuurka. Noocyada dalagga ee guuleysta iyo kuwa ganacsi ahaan loo heli karo waxaa lagu dari doonaa liiska abuurka ee qaranka, waxaana loo suuqgeyn doonaa si ballaaran.

“Daahfurka Nidaamyada Soo-kabashada Abuurka oo qeyb ka ah Mashruuca Soo-kabashada Musiibooyinka Soomaaliya (SCRP) waxa uu kor u qaadayaa wax-soo-saarka abuurka, ka war qabka tayada, iyo qeybintiisa. Waxa uu u sahlayaa beeralayda in ay helaan abuur tayoleh oo ah noocyada dalagga casriga ah oo kor u qaadaya adkeysiga iyo xoojinta maamulka nidaamyada abuurka. Tani waxay awood u siinaysaa dowladda Soomaaliya in ay hagto soo kabashada iyo sare u qaadista waxsoosaarka, taas soo caddayn u noqonaysa hoggaanka dib u dhiska habnololeedka miyiga” ayuu yiri, Cabdi Tawane, Maamulaha Mashruuca SCRP.

Ayada oo laga duulayo isku-dubarid xooggan iyo lahaanshaha maxalliga ah ee SSSRI, Dawladda Federaalku waxa ay awood siinaysaa beeralayda Soomaaliyeed, una diyaarinaya waaxda beeraha ee dalka mustaqbal waara oo waxsoosaar leh.

Agaasime ku-xigeenka  Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, Baimankay Sankoh, ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda uu leeyahay Mashruuca Soo-kabashada Nidaamyada Abuurka intii lagu guda jiray munaasabadda, isagoo yiri “Mashruucan Soo-kabashada Nidaamyada abuurku wuxuu dhisi doonaa madal ay dhammaan daneeyayaashu ku kulmaan, khibradahaku wadaagaan, kana shaqeeyaan sidii looga miro-dhalin lahaa ujeedka guud oo ah xaqiijinta haqab-beelka cuntada ee dhammaan dadka Soomaaliyeed”

Etienne Peterschimtt oo ah wakiilka FAO u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay dadaallada wadajirka ah ee ay muujiyeen dhammaan daneeyayaashu iyo dowladda isaga oo yiri: “Waxaa sharaf ii ah in aan goob-joog ka ahaado ballanqaadka xooggan iyo iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha Mashruuca Soo kabashada Nidaamyada Abuurka ee Soomaaliya. Xoojinta nidaamyada abuur ee Soomaaliya waa tallaabo muhim ah oo horay loogu qaaday xaqiijinta haqab-beelka cuntada iyo hagaajinta hab-nololeedka reer miyiga. Si wada jir ah, waxaan u jeexaynaa waddo loo maro beerasho adkeysi leh oo barwaaqo u horseedda dhammaan dalka Soomaaliya”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here