Wednesday, October 2, 2024

Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii safaaradda Imaaraadka ee Suudaan

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii lagu qaaday xarunta Safiirka Imaaraadka Carabta ee magaalada Khartoum, iyadoo caddeysay inay diidantahay xadgudubyada ka dhanka ah shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay cambaareyneysaa, weerarkii lagu qaaday Xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Magaalada Khartoum, iyadoo ku adkeysaneysa inay si cad u diidan tahay xadgudubyadaas ka dhanka ah shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu yiri; warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay inay muhiim tahay in la ixtiraamo xurmada ay leeyihiin xarumaha safaaradaha, iyo in si buuxda loo ilaaliyo si waafaqsan axdiga Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Eedeynta Imaaraadka ee ciidamada Suudaan

Dowladda Imaaraadka ayaa ku eedeysay ciidamada Suudaan inay ka dambeeyeen weerar lala beegsaday xarunta Safiirkooda ee magaalada Khartoum.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in weerarka uu sababay burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha, iyadoo ugu baaqday ciidamada Suudaan inay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda falkii ka dhashay weerarka.

Waxay intaas ku dartay inay u gudbin doonto ururka Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay warqad cabasho ah oo looga soo horjeedo weerarka ay ku eedeysay inay geysteen ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kaasoo ka dhigan xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay mabda’a aasaasiga ah ee ee xarumaha dublamaasiyadda.

Diidmada Suudaan ee Eedeynta Imaaraadka

Ciidamada Suudaan ayaa beeniyay eedeynta Imaaraadka Carabta ee ah in ay duqeeyeen xarunta safiiradda Imaaraadka ee Khartoum, waxayna eeddea dusha u saariyeen xoogaga kasoo horjeeda ee RSF.

Suudaan ayaa dhowr jeer horay ugu eedeysay dowaladda Imaaraadka inay hub iyo saanad ciidan siisay xoogaga kasoo horjeeda dowladda la aqoonsanyahay, taas oo keentay inuu xumaado xiriirka u dhexeeya labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here