Saturday, November 23, 2024

Soomaaliya oo cayrisay diblomaasi Itoobiyaan ah

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka cayrisay dalkeeda diblomaasi Itoobiyaan kaas oo ka howlgala safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan” ayaa lagu yiri; warsaxaafadeedka wasaaradda.

Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliyaha labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed kuwaas oo jebinaya heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka.

Fiqi: Xilligii xad-dhaafka diblumaasiyadeed wuu dhamaaday

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa ” X” kusoo qoray inuu dhamaaday xilligii Soomaaliya lagu samayn jiray xad gudubka diblumaasiyadeed, isaga oo yiri; ” Soomaaliya mar dambe uma dulqaadan doonto falalkan oo kale. Waxaan si dhow ula soconaa kuwa iska indha tiraaya mabaadi’da diblomaasiyadeed waxaanan qaadi doonaa tallaabooyin adag si aan u ilaalino halbeegyada asaasiga ah”

Go’aankan ayaa imaanaya iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu gaaray meeshii ugu xumeed tan iyo markii Addis Ababa ay heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland.

Horaantii bishii April, Soomaaliya waxay cayrisay safiirkii Itoobiya, waxayna soo saartay go’aan lagu xirayay qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here