Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya oo dhinacyada isku haya Bariga dhexe uga baaqday in ay dajiyaan xiisadda

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay xiisadda cusub ee kasoo korortay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqeysaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan xiisadda colaadeed, ayna is xakameeyaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri ” Colaadaha iyo xiisadahaan sii kordhaya waxay halis galinayaan xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo idil”

Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in ay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu qaboojinayo xaaladda, lana dhimo khatarta imaan karta ee colaad kale.

Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Soomaaliya ay garab taagan tahay qorashayaasha kor u qaadaya nabadda, ammaanka, iyo xasiloonida Bariga Dhexe iyo dunida kale.

Soomaaliya waxay carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo weerarada Israel ee Gaza, iyada oo u ololaynaysaa in la helo xal caddaalad ah oo ku sallaysan xal u helida labada dowladood, waxayna mar kale xaqiijinaysaa taageerada ay u hayso dadka reer Falastiin si ay aayahooda uga tashadaan oo ay caddaalad u helaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu kulan degdeg ah ka yeesho maanta oo Axad ah weerarka ay Iran xalay ku qaaday Isarel.

Weerarka ay Iran xalay ku qaaday Isarel ayaa saameyn ku yeeshay Bariga Dhexe, waxaana istaagay qaar ka mid ah duulimaadyada dalalka Carabta, iyada oo ay qaarkood ay xireen hawadooda.

Waxaa isa soo taraya baaqyada dowladaha caalamaka ee ka digaya inuu ballaarto dagaalka Bariga Dhexe, waxaana labada dhinac lagula taliyay in ay xaaladda qaboojiyaan, si looga baaqsado dhibaato culus.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here