Monday, September 16, 2024

Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai

Muqdisho (Dawan)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa digniin culus u dirtay shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai kuwaas oo ka mid ah diyaaradaha dullimaadyada ku yimaada magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Hay’adda ayaa ku eedeysay shirkadahan inay xadgudub ku sameeyeen madaxbannaanida Soomaaliya marka ay macaamiishooda la wadaagayaan halka ay ku socdaan, iyaga oo aan xusin magaca dalka kuna kooba oo kaliya magaalooyinka.

Digniinta loo diray Ethiopian Airlines, ayaa lagu sheegay in shirkaddaasi ay ka leexatay hab dhaqankii saxda ahaa ee ku saabsanaa magaca Soomaaliya. Hay’adda waxay sheegtay in Ethiopian Airlines ay sameysay isbeddelo ay meesha uga saartay magaca Soomaaliya iyada oo kaliya adeegsaneysa magaca magaalooyinka halki ay ku dari laheyd magaca Soomaaliya.

Hay’adda ayaa si cad u sheegtay in haddii arrintan aan la xallin ilaa 23-ka Agoosto 2024, in ay hakin doonaan duulimaadyada Ethiopian Airlines ee Soomaaliya.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ku xusta website-keeda magacayada magaalooyinka iyo dalalkooda marka laga reebo Soomaaliya.

Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay baaqday inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda.

Shirkada Fly Dubai ayaa bogageeda kuwada xusto magacyada Somaliland iyo Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in haddii aan la fulin shuruudaha ku xusan warqadda ilaa 24-ka Agoosto 2024, inay tallaabo degdeg ah ka qaadi doonaan duulimaadyada Fly Dubai ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.

Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay is-afgradkii badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa sidoo kale soo kordhay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa taas oo jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here