Friday, October 18, 2024

Soomaaliya oo ka laabatay codsigii ahaa in la xiro xafiiksa QM

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay codsigeedi ahaa in la xiro xafiiska  kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM) kaas oo ay muddaadiisu ku egtahay dhammaadka bisha October ee 2024.

Qoraal ay dowladda Soomaaliya u dirtay Qaramada Midoobay, ayay kusoo jeedisay in guddi wadajir ah loo saaro sidii dib  u habeyn loogu sameen laha Howlagalka Qaramada Midoobay ee Somaaliya, iyada oo ku muujisay sida ay diyaar ugu tahay in ay la xiriirto dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loogu diyaar garoobo hannaanka kala guurka ee Xafiiska Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxaa qoraalka cusub ee dowladda lagu caddeeyay in ay garwaaqsantahay  wax-qabadkii qiimaha lahaa ee UNSOM iyo hawlgalladii siyaasadeed ee Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay.

Wada hadalladdii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa hannaanka kala guurka, waxaa la isku afgartay in la dhiso koox farsamo oo isku dhaf ah oo go’aamisa qaabka iyo waqtiga cusbooneysiinta Xafiiska UNSOM, sida lagu xusay qoraalka.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay  ayaa Jimcihii  sheegay in qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dhawaajisay uu yahay mid muddo soo socday, iyada oo howlgalka Qaramada Midoobay ee Somaaliya uu ku egyahay markii mudo xileedkiisu uu dhamaado.

Dhawaan ayay ahayd markii Soomaaliya ay codsatay in lasoo gabagabeeyo howlgalka xafiiska kaalmada ee ay Qaramada Midoobay ku leedahay Soomaaliya (UNSOM), maadaama  horumar ballaaran laga sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here