Saturday, September 28, 2024

Soomaaliya oo ka mid noqotay guddiga fulinta ee CECAFA

Mombasa (Dawan)- Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Cabdi Maxamed ayaa ka mid noqday xubnaha guddiga fulinta ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (CECAFA).

Xubnaha ka qeyb galay shirweynaha caadiga ah ee CECAFA ayaa aqbalay soo jeedin ka timid Guddoomiyaha CECAFA, Wallace Karia oo aheyd in Soomaaliya ay ka mid noqoto xubnaha guddiga fulinta CECAFA.

Xubnaha Guddiga fulinta ayaa ka kooban yahiin 6 xubnood oo laga soo xulay xubnaha ku mideysan ururka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee (CECAFA) oo ah 12 Dowladood.

Soomaaliya ayaa ka mid ahayd xubnihii ururka CECAFA lagu aas-aasay 1973, inkasta oo ay Dowlado kale dib uga soo biireen, waxeyna kala yihiin 12-ka Dowladood ee ku jira ururka Soomaaliya, Uganda, Zanzibar, Tanzania, Burundi, Jabuuti, Eritrea, Suudaan, South Sudan, Kenya, Itoobiya iyo Rwanda.

Zanzibar ayaa martigelin doontaa tartanka Cecafa 2024, sida lagu go’aamiyay shirkii ururuka ee ka dhacay Magaalada Momabasa, isbuucaan.

Koobka Cecafa ayaa dib soo laabanaya ka dib seddex sano oo hakad ah sababo la xiriira cudurkii Covid-19 iyo caqabadaha la xiriira.

Isayas Jira, Guddoomiya ku xigeenka Cecafa ahna Guddoomiyaha Guddiga Tartamada ayaa sheegay in go’aankan uu kasoo baxay shirkii fulinta Cecafa ee Khamiistii la soo dhaafay.

“Waxaan dib u soo celinay koobka Cecafa Senior Challenge Cup, waxaana sidoo kale magacaabnay lix xubnood si ay isbeddel ugu sameeyaan tartamada kala duwan” ayuu yiri, Isayas Jira,

Golaha guud ee Cecafa ayaa sidoo kale xaqiijiyay in sawirada MRI la isticmaali doono si loo hubiyo da’da ciyaartooyda ka qeyb gelysaa tartamada Afcon ee U20 iyo U17 ee qorsheysan in la qabto sannadkaan.

Dalka Tanzania ayaa marti gelin doona koobka isreebreebka Afcon U20, halka isreebreebka Afcon U17 lagu qaban doono dalka Uganda.

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay xulka 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here