Saturday, November 23, 2024

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Sochi (Dawan- Wafdi uu hoggaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal ayaa ka qayb galy shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo Sabtidii ka furmay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Shirkaan ayaa daba socda go’aamadii ka soo baxay shir madaxeedki labaad ee Ruushka iyo Afrika kaasoo oo sannadkii 2023 ka dhacay magaalada St. Petersburg.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in ka qaybgalka madashaan uu muujinayo sida ay iga go’antahay Soomaaliya inay kaalin ka ciyaarto isbahaysiyada qaaradeed ee loogu gogol xaarayo sidii loo gaari lahaa barwaaqo iyo iskaashi dhamaystiran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here