Friday, November 22, 2024

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka bacriminta ee Afrika

Nairobi (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka wakiil ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kaga qeybgalay maanta oo Khamiis ah magaalada Nairobi, shir-madaxeedka Afrika ee bacriminta iyo caafimad-qabka ciidda.

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga ciidda ku habboon beerashada, si loo gaaro isku-filnaansho dhanka cunnada ah, loona yareeyo xaaladaha bani’aadantinimo.

Shir madaxeedka ku qabsoomay Nairobi ayaa diirrada lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta dhinaca beeraha Afrika, si loo hiigsado kobac dhaqaale, loona xaqiijiyo sugnaanshaha cunto ee qaaradda.

Hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha Afrika ayaa shirka uga dooday xal u helidda caqabadaha beeraha si loo qaabeeyo tub loo maro horumar waara, lagana gudbo caqabadaha qarsoon ee beeralaydu wajahaan, iyadoo la xoojinayo adkaysiga, korna loo qaadayo barwaaqada bulshooyinka Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here