Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo ku baaqday in la qaado tillaabo lagula xisaabtamayo Israel

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan sagootin ah la qaatay Safiirka Falastiin u qaabilsan Soomaaliya, Kaamil Cabudllaahi Cabdirabboh kadib markii ay dhamaatay muddaddiisi shaqada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay himilooyinka sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta ee ah in ay helaan ​​dowladnima dhamaystiran sida shucuubta kale ee dunida, wuxuuna hoosta ka xariiqay sida u garab taaganyihiin halganka joogtada ah ee ay ugu jiraan xornimada iyo madaxbanaanida.

Fiqi ayaa walaac ka muujiyay dhibaatada joogtada ah ee ay Falastiiniyiintu kala kulmaan maamulka Israel.

Wasiirka ayaa dhaleeceeyay is ballaarinta ay Israel ku qabsanayso dhul cusub, isagoo ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga taas oo ay tahay in dunidu kula xisaabtanto Isarel.

Waxa uu ku baaqay sida ay muhiim u tahay in la qaado tillaabooyin degdeg ah si loo gaaro nabad waarta iyo aqoonsiga xuquuqda iyo sharafta dadka reer Falastiin.

Dhankiisa, Danjire Kaamil Cabdullaahi ayaa ugu mahad celiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii hagar la’aaneed ee ay u garab istaageen mudadii uu ku sugnaa Muqdisho, wuxuuna bogaadiyay mowqifka adag ee Soomaaliya ay ka taagan tahay difaacidda xuquuqda Falastiiniyiinta marka la joogo masraxa caalamka, isagoo rajo ka muujiyay inuu sii xoogeysto xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here