Sunday, November 24, 2024

Soomaaliya oo ku biirtay Golaha Dhowrista Xogta

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ka mid noqotay xubnaha Golaha Dhowrista Xogta (Global Privacy Assembly), waxaana xubinimadeeda lagu ansixiyay Meertada 46-aad ee Golaha oo ka socda Jasiiradda Jersey ee Boqotooyada Ingiriiska.

Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya, Maxamed Axmed Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay Golaha Dhowrista Xogta oo ay ku mideysanyihiin in ka badan 130 dowladood iyo shirkadaha ugu wawayn dhanka tiknoolojiyadda.

“Taas macnaheedu wuxuu yahay in Soomaaliya awood leedahay hadda kadib iney ganaaxdo, dacweyn karto magdhaw iyo xuquuqna ku leedahay shirkadaha Technologyadda gaar ahaan kuwa Baraha Bulshada sida Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan xad gudubyo ay ka midyihiin jabsashada akoonadooda, faafinta xogtooda xasaasiga ah, muuqaallada ka hor imanaya qiyamka diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri; Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha Soomaaliya.

Golaha oo la aasaasay 1978’dii ayaa ah fagaaraha ugu wayn ee dowladaha dunidu uga doodaan kuna dejiyaan qaraarrada iyo sharciyada lagu maareeyo arrimaha xogta iyo tiknoolojiyadda, waxaana xubin ka ah in ka badan 130 dowladood iyo shirkadaha sida Google, Facebook, X, Amazon, Apple, iyo TikTok.

Goluhu waxa uu shirkiisi ugu horeeyay yeeshay 1979, waxa uuna ahaa Golaha qaabilsan ilaalinta xogta iyo sirta caalamiga ah in ka badan afartan sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here