Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay sharci darro uga soo gudbeen xadka

New York (Dawan)- Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan (Baale) oo shalay khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya inay si sharci darro ah uga soo gudbeen xadka ay wadaagaan labada dal.

Danjiraha ayaa xaqiijiyay in ciidmada soo galay gudaha Soomaaliya aysan ka mid ahayn kuwa ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, wuxuuna tilmaamay in ay isku dheceen ciidamada Soomaaliya ee ku sugan xadka

“Todobaadyadii u dambeeyay ciidamo aan ahayn kuwa ATMIS oo ciidamada Itoobiya ah ayaa si sharci darro ah ugu soo gudbay meelo kala duwan xuduudaheenna, iyagoo iska hor-imaadyo kala kulmayay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya” ayuu yiri, Danjire Abuukar.

Danjiraha ayaa xusay in Soomaaliya ay go’an tahay inay ixtiraamto mabaadi’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay iyo deris wanaagga, wuxuuna ugu baaqay dowladda Itoobiya in qaaddo tillaabo la mid ah arrintaas kana laabato heshiiska is-afgaradka ah, iyada oo aan waqti kale lumin.

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo arrintan kusoo qaatay warbixinta uu ka hor jeediyay Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland wada galeen billowgii sannadkaan, kaas oo dhalay khilaaf xoogan oo soo kala dhex gala Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida Soomaaliya iyo in xiisadda taagan lagu xalliyo si nabad ah.

James Swan ayaa yiri; ““Waxaan ku dhiirigelinayaa Soomaaliya iyo Itoobiya inay arrinta ku xalliyaan si nabad ah iyadoo la raacayo mabaadi’da madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah”

 Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlay xiisaddan ayaa Itoobiya ugu baaqay inay dariiq sax ah usoo marto doonisteeda la xiriirta in ay hesho bad ay u adeegsato ganacsi, isaga oo si cad u diiday qorshaha Itoobiya ee ah in ay saldhig ciidan ka sameysato xeebaha Soomaaliya, sida uu dhigayo heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gashay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri;  Itoobiya haddii ay dooneyso in ay xeebaha Soomaaliya soo gaarto waanu soo dhaweyneynaa. Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida ay u gaartay xeebaha Jabuuti iyo Kenya”.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here