Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo lagu casuumay madasha iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka guddoomay safiirka dowladda Ruushka u qaabilsan Jabuuti iyo Soomaaliya farriinta casuumaadda ee ka qayb galka madasha iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Madasha iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo Sochi 11-12 bisha November ee soo socota.

Wasiir Fiqi iyo safiir Mikhail Golovanov, ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, arrimaha bulshada iyo bini’aadantinimada.

Shirkii ugu horreeyay ee Madasha Ruushka iyo Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Sochi ee Ruushka, October 23 iyo 24, 2019, iyada oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 6,000 oo qof oo ka socday Ruushka iyo 104 waddan oo kale.

Madashaas waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay hoggaamiyaalka dalalka Afrika, waxaana lagu kala saxiixday 92 heshiis iyo is afgarad ku kacayay in ka badan Hal Tirilyan oo lacagta Ruushka ah.

Labada dowladood waxaa ka dhaxeeyn jiray xiriir adag oo dhinacyo badan leh, waxaana lagu tirin jiray in Midowgii Soofiyeeti uu ahaa dalka ugu saameynta weyn dhismaha ciidanka Soomaaliya, inkasta oo xiriirkaas go’ay kadib dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waayadii ugu dambeysay waxaa soo baxayay muuqaal ka duwan kii hore oo ku saabsan dib usoo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo ay dhaceen kulamo dhex maray mas’uuliyiinta labda dal kuwaas oo lagu gorfeeyay soo celinta iyo xoojinta iskaashiga labada dowladood kadib shan iyo afartan sano.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Ruushku aysan safaarad ku lahayn Muqdisho, waxaana arrimaha Soomaaliya uga wakiil ah safiirka u fadhiya Jabuuti, taas oo loo arki karo in wali xiriirka labada dal uusan ahayn mid toos ah oo xooggan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here