Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay go’aan lagu mamnuucayo Walxaha ka sameysan bacaha la isticmaalo halka mar laga bilaabo 30 June 2024, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada.
Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeedka, Wasaaradda ayaa wada watashiyo la sameysay rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo khubaro aqoon sare u leh arrimaha ilaalinta deegaanka si looga hortago saameynta ay bacdu ku yeelan karto nolosha dadka iyo deegaanka.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in laga billaabo 30 June ee sanadkaan ay macnuuc tahay ka ganacsiga bacaha halka mar la isticmaalo, soo dajinta, ku farsameynta dalka, iyada oo looga digay dukaamada iibiya, iyo bulshada adeegsata.
Wasiirku waxa uu soo saaray; “in gabi ahaanba Soomaaliya laga joojiyo soo dejinta, dhoofinta, soo saarista, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halmar la isticmaalo, laga billaabo 30-ka June 2024”, ayaa lagu yiri, go’aanka kasoo baxay Wasaaradda
Isticmaalka bacaha ayaa dhibaato ba’an ku haya dunida maanta iyada oo ay jiraan wadamo mamnuucay isticmaalkeeda.
Waxaa ka jira Soomaaliya dhowr Warshadood oo haraadiga bacaha ka sameeya waxyaabo kala duwan sida dhagxaanta lagu dhiso wadooyinka ee loo yaqaano inter looga oo ka qeyb qaatay bilicda iyo muuqaalka waddooyinka balse qashinka ka dhashay adeegsiga badan ee bacaha ayaa dhibaato ku haya nadaafadda guud ee deegaanka, nolosha dadka iyo xoolaha oo mararka qaar cuna kadibana ay dhibaato kasoo gaarto.
Dowladda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa looga fadhiya in ay beddelaan fahamka ay bulshadu ka heysato ilaalinta deegaanka iyo in ay dhaqan geliyaan amarka lagu mamnuucay isticmaalja bacaha, sida ay qabaan khurada dhanka deegaanka.
“Bac beddelkeeda waxaan isticmaali lahaa, waxyaabaha ka sameysan geedaha oo kale, sida dambiisha oo hore loo isticmaali jirtay, oo ahayd dhaqankii hore iyo waxyaabo adag oo wax lagu qaadan karo” ayay tiri, Asra Maxamed oo ka deggan Muqdisho.
Joojinta adeegsiga bacaha ayaa ka qeyb qaadan doona nadaafadda deegaanka iyo in ay bulshado u laabto isticmaalka alaabaha wax lagu qaato ee gacan sameyska ah sida selledaha iyo qaar kale oo ay dadka Soomaaliyeed isticmaali jireen.
Dhaqan galka mamnuucida bacda halka mar la isticmaalo ayaa adag marka loo eego dal burburay in ka kabadan 30 sano kahor, bulshadiisana ku dhawaad 48 % ay tahay reer miyi , iyada oo ay sidoo kale Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimiladu ay tahay Wasaarad ku cusub Golaha Wasiirada iyo hay’adaha Dowladda.
Go’aanka Wasaaradda ayaa loo arkaa inuu yahay ku dayasho iyo lajaanqaadidda dalalka Bariga Afrika ee ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay kuwaas oo horay u mamnuucay adeegsiga bacaha.
Isticmaalka bacaha aan dib loo isticmaalin ayaa inta badan laga soo keenaa dibadda, iyada oo laga soo dejiyo dekedaha Soomaaliya ku dhawaaad 1 milyan oo tan, waxaana dib loo warshadeeya 10% iyada oo inta kale lagu daadiyo deegaanka.
Waxaa waayadii ugu dambeysay ka hirgalay magaalada Muqdisho isku dayo ay sameeyeen qeyb ka mid ah dhalinyarada kuwaas oo qashinka iyo bacaha ka aruuriya xeebta inkasta oo aysan helin taageero bulsho oo awood badan ama mid hay’adeed.
Inta la ogyahay, waxaa Muqdisho ka jirta hal shirkad oo dib u warshadeysa qashinka bacaha, iyada oo kasoo saarta agabyo kala duwan sida jilayga guryaha lagu dhiso iyo enter-loga loo adeegsado waddooyinka.
Dhibaatada xoolaha ay kala kulmaan bacaha ayaa iyaduna ah caqabad kale oo saameeyn ku leh caafimaadka bulshada. Xoolaha ayaa aad u cuna bacaha xilliyada lagu jiro abaaraha.
Aagaasimaha Machadka Cimilada ee Jaamacadda Simad, Maxamed Cukaash ayaa ka sheekeynaya Khatarta ay deegaanka ku haayaan bacaha halka mar laisticmaalo iyo waxa looga baahanyahay bulshada, ganacsatada, iyo Dowladda, si looga hortago kharta bacaha
“Waxa ay ka mid tahay (Bacaha) waxyaabaha sababa wasaqoowga deegaanka, sidoo kalena khatar ku ah caafimaadka bini aadanka iyo noolaha kale ee deegaanka ku nool. .. Mararka qaarkodna jidadka ayay buuxaano, bilicda magaalooyiinka ayay aad u halleeyaan”.
Agaasimaha waxa uu u arkaa go’aanka Wasaaradda tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday, isaga oo sheegay in ay muhiim tahay in la helo siyaasad lagu maareynayo dhibaatada ay bacdu ku heyso deegaanka iyo noolaha, islamarkaana waxa uu ku baaqay in la abuuro waxyaabo kale oo la isticmaalo beddelka bacda.