Friday, October 18, 2024

Soomaaliya oo marki ugu horeysay xaqiijisay fashilka wada-hadalladii Itoobiya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa marki ugu horeysay daaha ka qaaday inuu jiray wada hadal ku dhax maray dowladda Itoobiya 1-bishii March magaalada Nairobi, iyada oo ay Kenya ka ahayd shirkaas garwadeen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo xalay marti ku ahaa Space-ka X ee Dawan Media ayaa sheegay in labada dowladood ay Nairobi ku yeesheen shir aan toos ahayn (fool ka fool) oo Wasiirka arrimaha dibadda Kenya u kala war qaadayay.

“Nairobi shir baa ka dhacay, shirkaas kuma aynan kulmin Soomaaliya iyo Itoobiya laakin waxaa ku kulmay Soomaaliya iyo Kenya oo dhinac ah iyo Itoobiya iyo Kenya oo dhinac, waxaynka isku dayayeen in la helo qaraar ay ku heshiin karaan dalalka deriska ah” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in shirka uu ku dhamaaday natiijo la’aan kadib marki ay labada dhinac isku fahmi waayeen qaar ka mid ah qodobada shirka.

Cali Balcad ayaa sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee shirka lagu soo bandhigay ay ahaayeen in dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya ay aqoonsanyihiin madax bannaanida Soomaaliya, iyada oo ay Soomaaliya ku dartay qodob ahaa in Itoobiya ka laabato heshiiski badda ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa jiray qodob kale oo ahaa in Itoobiya ay hesho dekad ganacsi, waxeyna Soomaaliya ku lifaaqday qodob kale oo oo ah in ay usoo marto hanaanka caalamiga ah, arrintaas oo keentay in ugu dambeyn lagu kala tago shirka iyada oo aan la gaarin wax xal ah.

“Qaraarki ay soo jeediyeen waa noo cuntami waayay, sidaas darteed shirkaas ma noqon mid mira dhal ah mana jiro kulan kale oo dhax maray Soomaliya iyo Itoobiya” ayuu raaciyay Cali Balcad.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu jiro dadaalo ay sameeynayaan dowladaha Mareykanka, Ingiriisa iyo Kenya, si xal looga gaaro khilaafka labada dal balse ilaa iyo hadda wax natiijo kama soo bixin dadaaldaas.

Isbuuci lasoo dhaafay,  Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan lagu xirayo qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo sidoo kale la faray shaqaalaha ka howl gala in ay muddo todobaad ah uga baxaan dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ku wargelisay in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

 

 

 

 



 

 

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here