Monday, September 16, 2024

Soomaaliya oo mas’uul sare u dirtay ehelada saraakiishii Imaaraadka ee la dilay

Dubai (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu dirtay Wasiirka Difaaca, Cabduqaadir Maxamed Nuur dalka Imaaradka Carabta, si uu tacsida Madaxda Soomaaliya u gaarsiiyo Mas’uuliyiinta dalkaas iyo ehelada saraakiishii lagu dlay xerada ciidanka Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Difaaca ayaa bartiisa X ku qoray ” Waxaan tacsi aan ka sidey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra’isul Wasaaraha iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed gaarsiiyey dowlada Imaaraadka Carabta iyo ehelada saraakiishi ku shahiidey Xera Goordan”

Wasiirka ayaa qoraalkiisa raaciyay in dhimashada saraakiishaas ay astaan u ahaan doonto xiriirka dhiig wadaagga ah ee Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa hore shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay, inkasta oo mid ka mid ah u geeriyooday dhawaacii soo gaaray markii loo qaaday dalkiisa.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in weerarku uu dhacay xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here