Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya oo safiirkeedi ugu horeeyay u magacaawday Eretria

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya ayaa u magacaawday safiirkeedii ugu horreeyay taariikhda kaas oo u fadhin doona dalka Eretria.

Madaxweynaha Eretria, Isaias Afwerki ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cumar Idiris, 17-kii bishaan November.

 Magacaabistaan ayaa  muujineysa marxalad taariikhi ah oo ku aaddan muuqaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eretria.

Wadashaqeynta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Eretria ayaa ku koobaneed xiriir diblomaasiyadeed, inaksta oo ay Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaareesay tababaridda ciidamada Soomaaliya, seddexdi sanoo ee lasoo dhaafay, taas oo keentay in ay ka qalin jabiyaan xarumaheeda tababar in ka badan 5, 000 oo askari oo Soomaali ah kuwaas oo isuga jira dhinacyada kala duwan ee ciidanka.

Xeel-dheerayaasha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa u arka in labada dal ay dhisayaan xiriir diblomaasiyadeed oo aad u adag iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxaamuud booqday Eretria in kabadan  3 jeer, tan iyo markii dib loo doortay 15-ki May 2022 oo laga joogo muddo 18 bilood ah .

Cumar Idiris, ayaa  horay u ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, waxaana magacaabistiisa loo arkaa tillaabo u abuureysa xiriirka labada dal waji cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here