Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya oo soo dhaweysay qaraarka Q M ee la dagaalanka Islaam nacaybka

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay qaraarki uu Golaha Qaramada Midoobay meel mariyay ee ku saabsanaa tillaabooyinka lagula dagaalamayo Islaam nacaybka iyo magacaabista Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan La-dagaalanka Islaam nacaybka.

“Go’aankan taariikhiga ah waxa uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay caalamka uga go’an tahay in si midaysan lagula dagaallamo nacaybka loo qabo bulshoyinka Muslimiinta ah, waxa uuna muujinayaa dadaalka wadajirka ee loo qaaday adduun ku tilmaaman isku-duubni iyo is-faham,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa caddeysay baahida loo qabo iyo kaalinta uu qaadan karo haddii Wakiil gaar ah loo magacaabo ilaalinta xuquuqda dadka Muslimiinta ah iyo horumarinta mabaadi’da sinaanta iyo cadaaladda ee caalamiga ah.

“Soomaaliya waxa ay xoogga saaraysaa muhiimadda ay leedahay in la horumariyo wada-hadallada iyo nabadda ummaddaha dhexdooda, waxaana ka go’an ka shaqeynta adduun ku suntan is-ixtiraam, iskaashi, iyo barwaaqo wadaago,” ayay tiri, Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay Jimcihii qaraar qabyo ah oo ku saabsan tillaabooyinka la qaadayo si loola dagaallamo Islaam nacaybka.

Codeynta Qaraarkan qabyada ah ayaa lagu soo beegay maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Islaam nacaybka, waxaana taageeray 115 dal, iyada oo ay ka aamuseen 44 dal, mana jirin dowlad kasoo horjeesatay.

Dowladaha ka aamusay, waxaa ka mid ah France, Britain, Germany, Italy, Greece, Sweden, Switzerland, Finland, Ukraine, iyo India.

Turkiga ayaa ka mid ah dowladihii soo diyaariyay soona gudbiyay qaraarka qabyada ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu

Qraarka ayaa dhigaya in la cambaareeyo qoraallada dhiirigelinaya takoorka, rabshadaha iyo diin nacaybka loo qabo Muslimiinta iyo kitaabka Quraanka kuwaas oo lagu baahiyo dhammaaan warbaahinta kala duwan.

Qaraarku waxa uu ugu baaqaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, inuu magacaabo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan La-dagaalanka Islaam nacaybka.

Qaraarka ayaa sidoo kale loogu baaqay dowladaha xubnaha ka ah Qarmad Midoobay inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah, oo ay ku jiraan tillaabooyinka dhinacyada sharciga iyo siyaasadda, si loola dagaallamo xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta.

2022, March, 15 waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay looga dhawaaqay “Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Islaam nacaybka” ka dib mashruuc qabyo ah oo ay soo gudbiyeen Turkiga iyo Pakistan oo wakiil ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here