Monday, September 16, 2024

Soomaaliya oo yeelanaysa Sanduuqa Qaran ee Cimilada

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada, sida lagu sheegay qoraalka magacaabistiisa ee kasoo baxday Villa Somalia.

Muxuu yahay Sanduuqa Qaran ee Cimilada?

Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha.

Dhismaha Sanduuqa Qaran ayaa kusoo beegmay muddadi ay Dowladda Soomaaliya u qabatay inuu ku dhaqan galo go’aanka lagu mamnuucay Walxaha ka sameysan bacaha la isticmaalo halka mar.

Qorshaha dowladda ee ka hortagga isbeddelka cimilada

Dowladda Soomaaliya ayaa la timid qorshayaal cusub oo looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana markii ugu horeysay lagu soo daray xukuumadda Soomaaliya Wasaarad qaabilsan ilaalinta deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay ololaha Qaran ee doog looga dhigayo Soomaaliya, iyada oo la beerayo  10 Malyan oo geed si loo dhireeyo dalka loogana hor tago isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa dhankeeda la timid istiraatiijiyadda lagu badbaadinayo deegaanka iyo duunyada iyada oo ka duuleysa barnaamijka Soomaliyada cagaaraan si looga hor tago aafooyina isbedelka cimilada

Wasaaraddu waxa ay Golayaasha Baarlamaanka hor geysay xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka kaas oo wax badan ka tari doona arrimaha deegaanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa bishii October ee lasoo dhaafay ansixiyay sharciga dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Cimiladda.

Hay’addan waxay mas’uul ka tahay bixinta adeegyada Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada  dalka islamarkaana waa talo-bixiyaha koowaad ee dhanka farsamada ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku saabsan arrimaha la xiriira Adeegga Saadaasha Hawada iyo Cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here