Monday, September 16, 2024

Soomaaliya oo Yemen ugu hambalyeysay maalinta midnimada

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Yemen oo maanta u dabaal degaya sannad-guurada 34-aad ee maalinta midnimada dalkaas.

Dhambaalka hambalyada ee wasaaradda ayaa lagu sheegay in midnimada Yemen ay ku timid awoodda iyo go’aanka aan leexleexadka lahayn ee ay qaaten dadka Yemen si ay uga mira dhaliyeen midnimada qaranimadooda.

” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faaneysaa in ay xiriir qoto dheer la leedahay dalka Yemen, iyada oo labada dal ay wadaagaan taariikh dheer , ilbaxnimo soo jireen ah iyo xiriir adag oo ku dhisan ixtiraam iyo iskaashi, kaas oo aasaas u ah xojinta isfahamka labada dal” ayaa lagu yiri, dhambaalka wasaaradda

Sidoo kale, Safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya, Fadli Cali Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo la kulmay wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka iyo safiirka ayaa kawada hadlay qaabkii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaaha danta u ah labada dhinac, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday arrimaha ka jira gobolka ee saameynta ku leh xasiloonida labada dowladood.

Axmed Cawad bin Mubaarak oo hadda Ra’iisul Wasaaraha Yemen ayaa soo booqday Soomaaliya bishii January ee sannadkii 2023, isaga oo xilligaas ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurba joogta Yemen, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Soomaalida oo ay ku jiraan Hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Bin Mubaarak inta uu ku jiray booqashadiisa waxa uu dhagax dhigay xarunta Safaaradda Yemen ee Muqdisho, wuxuuna ballan qaaday in ay safaaraddu howl geli doonto dhawaan si loogu adeego muwaadiniinta Yemen ee usoo qaxay Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here