Monday, September 16, 2024

Spain oo iska xaadirisay finalka koobka Euro

Munich (Dawan)- Spain ayaa 2-1 ku garaacday France semi-finalka koobka Euro 2024, waxeyna xaqiijisay gaarista finaalka koobka Qaramada Yurub ee ka socda dalka Jarmalka.

Xulka Spain ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee lix kulan oo xiriir ah guulaysta isla markaana gaara finalka tartankan.

France ayaa daqiiqadii 8-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo kubbad uu garabka midig kasoo laaday Kylian Mbappe uu madax ku dhaliyay ciyaariyahanka weerarka ah ee Kolo Muani.

Ciyaartoyada Spain wax niyad jab ah kama qaadin goolka looga hormaray balse waxay kusii dhiirigelisay inay sii laba jibbaaraan kubbad haysashada ay caanka ku yihiin, waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta daqiiqadii 21-aad laacibka da’da yar ee Lamine Yamal.

Gool hayaha France Mike Maignan, waxaa ku adkaatay inuu gaaro kubadda uu Yamal kasoo laaday meel ka baxsan diilinta ganaaxa, inkasta uu isku day sameeyay.

Ciyaartoyda Spain oo ay ka muuqatay doonistooda ah inay go’aamiyaan natiijada ciyaarta inta lagu guda jiro waqtiga hore ee ciyaartya ayaa afar daqiiqo kadib la yimid goolki labaad, waxaana u dhaliyay laacibka Dani Olmo oo kasoo baxay booskii uu baneeyay Pedro oo tartanka uga haray dhaawac soo gaaray kulankii hore, inkasta oo goosha lagu saxiixay magaca difaaca Farnasiiska, Jule Kounde oo lugta ku taabtay kubadda inta aysan gelin shabaqa.

Didier Deschamps iyo ciyaartoydiisa waxay sameeyeen dadaal badan laakin waqtiga ayaa garab siin waayay waxeyna Paris ku laaban doonaan iyaga oo ku guul darraystay inay hilmaansiiyaan taageerayaashooda xasuustii xumeed ee ay kasoo qaadeen koobkii Adduunka ee Qatar lagu qabtay 2022.

Lamine Yamal ayaa taariikhda ku galay inuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee semifinalka Euro ka dhaliya gool, isaga oo jebiyay rikoorkii boqorkii kubadda cagta Pele oo ahaa ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya tartan caalami ah.

Guushaan ay gaartay Spain ayaa sii xoojisay ka sareynteeda xagga guulaha ee France. Marka la eego kulamada ay wada ciyaareen oo gaaraya 37 jeer, Spain waxay badisay 17 kulan, halka France ay guul gaartay 13 kulan, waxeyna isku garab dhaceen 7 jeer.

Spain ayaa ku guuleysatay koobka Qaramada Yurub seddex jeer, oo kala ah sannadihii 1964, 2008 iyo 2012. Halka Faransiisku uu laba jeer ku guuleystay koobkan kuwaas oo kala ahaa 1984 iyo 2000.

Spain waxay finaalka ku sugeysa Netherlands ama England kii soo badiya habeen dambe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here