Saturday, September 7, 2024

Spain oo markii 4-aad ku guuleysatay koobka qaramada Yurub

Berlin (Dawan)- Xulka Spain ayaa ku guulaystay koobka qaramada Yurub ee 2024, kadib markii ay laba gool iyo hal kaga adkaadeen xulka qaranka England, ciyaartii finaalka ee ka dhacday garoonka Olympic Stadium ee magaalada Berlin.

Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa maamulayay ciyaartooyada Spain kuwaas oo abuuray fursado noqon karay goolal balse difaacyada England ayaa diiday in shabaqooda lasoo taabto, waxaana lagu kala nasatay barbaro gool la’aan ah.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Spain ayaa kaga naxsatay ciyaartooyda England gool daqiiqadii 47-aad, kadib markii uu Neco Williams kubad ka laaday diilinta ganaaxa.

England ayaa isku dayday in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ilaa uu Cole Palmer kusoo galay bedel soona celiyay rajadii England daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta, kadib markii uu kubad ka soo toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Mikel Oyarzabal ayaa Spain u dhaliyay goolkii labaad ee guusha daqiiqadu markii ay mareysay 86 ee ciyaarta, waxaana England ku adkaatay inay markale soo barbareeyaan ciyaarta.

Spain ayaa markii afaraad ku guuleysatay koobka qaramada Yurub taasoo ka dhigeysa dalka ugu guulaha badan taariikhda. Dhanka kale England ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guul dareystay hanashada koobkan.

Spain ayaa hore u qaaday koobkan sannadihii 1964, 2008 iyo 2012.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here