Saturday, September 21, 2024

Sri Lanka oo dooraneysa madaxweyne xilli dhaqaala xumo ay ka jirto dalkaas

Sri Lanka (Dawan)- Muwaadiniinta Sri Lanka ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne ka saari kara dhaqaala xumada ka jirta dalkaas ee sababtay in madaxweyne Gotabaya Rajapaksa u baxsado dibadda.

Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-dii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, iyada oo ay xaq u leeyihin inay ka qaybqaataan doorashada qiyaastii 17 milyan oo qof kuwaas oo kala dooran doona 38 murashax oo xilka ku taagan.

In ka badan 63,000 oo Boliis ah ayaa la howlgeliyay si ay u ilaaliyaan goobaha codbixinta iyo xarumaha tirinta codadka.

Madaxweynaha kumeel gaarka ah, Ranil Wickremesinghe ayaa dagaal adag u galay siduu usii joogi lahaa xafiiska, wuxuuna qaaday tillaabooyiin muhiim u ahaa hagaajinta dhaqaalaha, iyada oo la raacayo siyaasadda dhaqaale ee ay taageerto Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Wickremesinghe ayaa wajahaya tartan adag oo uga imaanaya labo musharax oo loo arko inay heli karaan codad badan, waxaana ka mid ah Anura Kumara Dissanayaka, hogaamiyaha xisbiga Maarkiisiga ee ku caan baxay rabshadaha dalkaas ka dhacay marar badan.

Ninka labaad ee sida xooggan ula loolamaya ayaa ah Sagit Premadasa, hoggaamiyaha mucaaradka ahna wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee la dilay 1993-dii intii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee dalkaas ka dhacay.

Natiijada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalinta Axadda ah, balse waxaa suurta gal ah inay dib u dhacdo haddii codadku isku dhawaadaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here