Friday, September 27, 2024

Sulub oo dib ugu laabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Muqdisho (Dawan)- Sulub Axmed Firin ayaa dib loogu magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada kadib ku dhawaad laba sano oo uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Qoraal ku saabsan dib u magacaabistiisa oo kasoo baxay xafiiksa Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri; ” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XJFS”

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo maanta lagu wado in Golaha wasiiradu ansixiyaan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

Munaasabad lagu qabtay xalay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas loogu dallacsiiyay Sulub Axmed Firin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here